Maxkamada ciidamada oo xukun dil ah ku riday raggii ka dambeeyay qaraxyadii Baydhabo

0

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday shan qof oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda, halka afarta kale ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay qaraxyadii 28-kii Febraayo ka dhacay magaalada Beydhabo ee dadka badan ku dhinteen. Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Liibaan Cali yarrow oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in shanta qof ee falka dilka ah lagu riday uu mid ka mid ah ahaa askari qof rayid ah dil u geystay iyo afar qof oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ku lug lahaa qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Baydhabo. Sidoo kale maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida waxa ay xukun saddex sano ah ku riday qof kale oo isna soo abaabulay qaraxii Baydhabo ka dhacay, sida uu ku soo waramay Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Baay, Siraaji Sheekh Isxaaq. 28-kii Febraayo ayay ahayd markii labo qarax oo is xig xigay ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here