Maxkamadda caalamiga ee ICC oo William Ruto dambi ku wayday

0

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa wax dambi ah lagu waayay kadib dacwadii kaga furneyd Maxkamada Dambiyada Aduunka ee ICC, taasi oo la xiriirtay eedeymo ku saabsan dambiyo dagaal Qabaa’il oo ka dhacay dalka Kenya sanadii 2007-kii. Xaakimada Maxkamada Racfaanka ee ICC, ayaa buriyay go’aan ay tahay in lagu qaato qoraalo marqaatiyaal hore ay sameeyeen oo la xiriira dacwad ka dhan aheyd madaxweyne ku xigeenka, dalka Kenya ee Willian Ruto. Tani ayaa gabi ahaanba meesha ka saaraysa Dacwadii loo haystay Willian Ruto, xilli horay ay meesha uga baxday dacwadii loo haystay Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Kenyatta. Taageerayaasha willem Ruto ayaa si aad ah u soo dhaweeyay in lagu guuldareystay dacwadii laga soo gudbiyayy Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi. Dagaaladii qabaai’lada ku salaysnaa ee ka dhacay dalka Kenya sanadkii 2007dii, ayaa waxaa lagu dilay dad kor u dhaafaya ilaa kun qof, iyadoo tuulooyin dhan oo ay daganaayeen dad beeraleey ah dhulka lala simay oo la gubay. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here