Meelwalba ka soo xirantaye ha raadiyo gogoshii Siilaanyo fidiyey meesha ay taal

0

(Xigasho xaysimo.com: Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa ayaa sheegaya inay soo wajahday xaalad godoon ah, oo kaga timid beesha dhexdeeda, Umadda Soomaaliyeedba iyo Beesha Caalamka. Cali Khaliif ayaa magaalada Nairobi kala kulmay cadaadis dhinacyo badan kaga yimid oo ay hogaaminayaan siyaasiyiinta Beesha oo ay u muuqatay inuu ka baaqday hankii iyo kaalintii laga filayey. Jaaliyadaha Nairoobi oo ka mid ahaa meelaha ugu badan ee uu dhaqaalaha ka heli jiray ayaa dhabarka u jeediyey, shirkii ugu dambeeyey ee uu ku baaqayna waxaa ka soo qaybgalay xoogaa dumar iyo Caruur ah, iyagoo markuu hadalkiisii bartamaha marinayey ka codsaday inuu aamuso oo hadalka soo xiro. Beesha Caalamka ayaan iyana wax naxariis ah u muujin kadib markay u cadeeyeen in maamulka uu sheeganayo aan Beeshu ku midaysnayn, loona baahan yahay in hoosta laga soo dhiso wax degaamada iyo bulshada qaybaheeda kala duwani isku raacsan yihiin, iyagoo muran dheer kadib u sheegay in haddii ay u baahdaan la soo xiriiri doonaan, balse waqtigan aanu qorshaha ugu jirin. Cali wuxuu u cararay magaalada Magaalada Muqdisho si uu uga raadsanayo kartoono kiniinka duumada oo uu iska horeysiiyo, waxaana la soo sheegayaa isagoo Xafiisyada Wasaaradaha Xamar hortaagan oo leh faro madhnaan kuma tegi karo ee wax ii dhiiba, isagoo ugu sii xilanaya inuu diyaarada karaatoonta lagu qaado Buuhoodle u raaco. Shir Teleconference oo uu ugu yeeray taageerayaashiisa ayaa tiro yar oo lagu qiyaasay 50 ilaa 70 qof ka soo qayb gashay, wuxuuna ka sheegay inuu kooxdii Nairobi kaga soo horjeeday uu cagta soo mariyey, hadana uu u baahanyahay dhaqaale uu Isimada isugu keeno oo shir ugu qabto. laakiin ma jirin cid dheg u jalaq siisay oo wax ku yaboohday. Cali waxaa loo sheegay inuu ku gefay Beesha Warsangeli oo xaal ka bixiyo, laakiin sidii caadada u ahayd wuu difaacay aflagaadooyinkii iyo qadafkii uu u geystay Beesha Warsangeli. Dhanka kale mid ka mid ah lataliyeyaasha Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Siyaasiyiinta beesha ayaa cadeeyey in Madaxweyne Xasan sheekh uu diyaar u yahay rabona inuu isgarab taago beesha SSC iyo degaankeeda laakiin aanay suurtogal ahayn inta Cali Khaliif Galaydh hor boodayo, isagoo muujiyey inuu aad uga xun yahay. Sikastaba hayska ahaatee waxaa cad in Cali Khaliif iyo kooxdiisa waqtigoodii soo gebageboobayo, meelkastana ka soo xirantay, waxa keliya ee u hadhsan inay raadiyaan ay tahay Gogol uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo maalintii uu xukunka la wareegay u fidiyey SSC, taas oo aan la garanayn meel ay taalo, oo marka la weydiiyo uu sheeko gogol baa fidsan, iyadoo lagu xanto in Siilaanyo laftiisu aanu ogeyn meesha ay taalo iyo waxa ay tahay. Isku soo wada duubo Cali Khaliif ayaa u eg inuu Balicad dib ugu soo laabanayo, oo uu isku dayo inuu dib u heshiisiin la galo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur oo uu u arko inay caqabad ku noqdeen qorsheyaashii talo maroorsiga iyo fitnada ahaa. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here