Mid ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga oo lagu qabtay daroogo farabadan

0

Booliska dalka Lubnaan ayaa gacanta ku dhigay daroogo nooca loo yaqaan Cocaine iyo Amfatemin oo labo tan ah taas oo la saarayay diyaaradda khaaska ah oo uu lahaa nin ina boqor ah Abdel Mohsen bin al-Walled bin Abdelaziz kaas oo kasoo jeeda dalka Sacuudiga. Dhacdadan oo ka dhacday garoonka Rafiq Hariri ee magaalada Beirut, caasimadda Lubnaan ayaa waxa ay boolisku sheegeen in qabashadan ay tahay middii ugu ballaarneyd ee daroogo oo ay gacanta ku dhigaan taariikhda dalka Lubnaan. Dadka diyaaradda ayaa waxaa ay ahaayeen afar ruux oo uu ku jiro ninkan ina boqorka ah, waxaana ay dhamaantood wada ahaayeen Sucuudiyaan. Sida ay caddeeyeen booliska dalka Lubnaan, diyaaraddan daroogada lagu qabtay ayaa waxa ay ku jeeday waqooyiga dalka Sucuudiga halkaas oo uu daggan yahay boqor Abdel Mohsen bin al-Walled. Ina boqorkan ayaa mudo kooban boolisku ku hayeen garonka, isagoona markii dambe la sii daayay balse baaritaanka uu soconayo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here