Mid ka mid ah Saraakiishii ugu saameynta badneyd ciidamada xoogga dalka oo xilka laga qaaday

0

April 28 (Goojacade.com)— Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Goojacade.com ayaa sheegaya in Taliyihii Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Jen. C/llaahi Macalin Nuur xil ka qaadis lagu sameeyay.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in Jen. C/llaahi Macalin Nuur oo xilkan muddo 7-sano hayay lagu bedelay Generaal Maxamed Xuseen Garabey. Jen. C/llaahi Macalin Nuur ayaa ka mid ahaa Saraakiisha ugu saameynta badnaa ee ciidamada, waxaa xilkan loo magacaabay xilligii dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif. Waxaa la sheegaa inuu ahaa Sarkaalkii ugu waqtiga dheeraa ee aan marna saameyn ku yeelan is bedeladii lagu sameeyay Taliyeyaasha ciidamada lixdii sano ee u dambeysay. Ninkan oo la dhashay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif C/qaadir Macalin Nuur, waxaana loo sababeyn karaa sababaha ka dambeeya inuu xilkiisa ku waayo ama habka awood qeybsiga dowladda ay ku dhisan tahay. Generaal Maxamed Xuseen Garabey ayaa ka mid ahaa Saraakishii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa uu door muhiim ka soo qaatay 20-kii sano dhismaha ciidanka xoogga dalka. Waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha fara ku tiriska ee ka qeyb galay dagaalkii 1977 iyo dagaaladii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho, isagoo labo jeer ku dhaawacmay. Sidoo kale waxaa uu xilligii dowladdii KMG aheyd ahaa Madaxa Taakuleynta Madaxtooyada, waxaana muddooyinkii u dmabeeyay uu ahaa Taliyaha Hoggaanka Gaadiidka ee ciidamada xoogga dalka. Tan iyo horaantii bishan ayaa waxaa dowladda Federaalka ay is bedelo ballaaran ku sameysay Taliyeyaasha ciidamada, Gobolka Banaadir iyo xilal kale, waxaana wali socota duufaanta xil ka qaadista ee dowladda Madaxweyne Farmaajo ku wado shaqsiyaadkii la soo shaqeeyay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.
Goojacade.com Muqdisho-Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here