MIDOWGA AFRIKA OO AMISOM KA DALBADAY IN AY KA JAWAABTI WEERARKII ALSHABAAB KU QAADEEN KULBIYOW

0

Goojacade news: Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa barta ay Internetka ku leedahay waxay soo dhigtay Qoraal kooban oo ka hadlaya in Ciidamada Midowga Africa ay jawaab ka bixiyaan Weerarkii ka dhacay Degaanka Kulbiyoow ee Gobalka Jubada Hoose. Gudoomiyaha Midowga Africa waxay sheegtay in Ciidamada Midawga Afrika ee Qeybta ka ah Howlgalka AMISOM 24ka saac ee soo socda si deg deg ah looga doonayo sidii ay jawaab deg deg ah uga bixin lahaayeen Weerarkii Shabaabku ku qaadeeen Fariisinka Ciidamada Kenya ee AMISOM. Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Kulbiyoow Kenya waxaa ay sheegtay in looga dilay 9 Askari islamarkaana Dhanka Shabaab ay ka dileen 70 Dagaalame. Shabaabku dhankooda waxaa ay sheegee in 67 Askari oo Kenyan ah ay ku dileen Dagaalka sidoo kalena ay ku furten Hub iyo Gaadiid Dagaal. Mid kamid ah Askarta Kenyanka ah oo ku sugnaa Xerada Weerarka lagu soo qaaday oo la hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay in Weerarka Al-shabaab ay ka Warhayeen,balse Taliyaasha Ciidanka Xerada Jooga ay iska dhaga tireen oo ay yareysteen. Marka laga soo tago Sheegashada Labada Dhinac ee Shabaab iyo Kenya ayaa waxaa adag in la helo Tirada dhabta ah ee Labada Dhina ay iskaga dileen Dagaalkii Shalay ka dhacay Degaanka Kulbiyoow ee Gobolka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here