Midowga Yurub iyo Mali oo gaaray heshiis lagu yaraynayo tahriibta

0

Kooxaha ururada bulshada rayadka ee Mali ayaa dhaleeceeyay heshiis ay saxiixeen dowladda iyo Midowga Yurub, si loo yareeyo dadka imanaya Yurub. Heshiiska oo la saxiixay Axadii, Midowga Yurub ayaa siin doona lacag gargaar Mali si shaqo loogu abuuro dadka iyo in lagu adkeeyo maamulka xuduudda. Mali ayaa laga doonayaa heshiiska inay ka hortagto dadka wax tahriibiya iyo inay aqbasho dadka laga soo celiyo Yurub. Kooxaha ururada bulshada oo la yiraah Collectif Bi-Ton, ayaa sheegay in dad badan oo reer Mali ah oo laga soo celiyo Yurub gaar ahaan ay u daran tahay waddanka, sababtoo ah waxay waddanka u soo diraan lacag badan sanad walba.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here