Mudaharaad maanta Laascaanood ka dhacay oo khasaare sababay

0

Mudaharaad balaadhan ayaa saaka ka bilowday Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ciidamada Somaliland ay kaga jawaabeen rasaas xoogan. Warar hordhac oo ka imanaya magaalada ayaa sheegaya inay jiraan dhowr qof oo ku dhaawacmay. Shacabka ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn iyaga oo gubayay taayiro, iyagoo ku dhawaaqayey inay u dabaaldegayaan maalinta qashin gurka degaamada SSC oo ku beegan 18 May. Dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo baxay xaafadaha iyaga oo ku lebisan calanka Soomaaliya waxayna gubeen qashin tiro badan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here