Munaasibad lagu xusayey 1-Luulyo oo xalay Muqdisho ka dhacday

0

Munaasanad lagu xusayay 56-guuradii ka soo wareegatay markii gobollada Koofgureed ee Soomaaliya ay xornimadaka qaateen gumeystaha iyo israacii gobolada waqooyi iyo koofur ayaa waxaa ay xalay ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha, wasiirro, saraakiil, duqa Muqdisho iyo martisharaf kale. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, islamarkaana aysan hilmaamin dhibkii loo soo maray xornimada Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska eexukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlaayay magaca guddiga qaban qaabada xuska 1-da luulyo ayaa sheegay inay ku guuleysteen in gobolada dalka iyo caasimada si isku mid ah ay uga dhacaan munaasabadaha xoriyadda. Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay midnimada leedahay iyo sida loogu baahan yahay in Soomaalida oo dhan ay uga wada shaqeeyaan mudnimada Ummadda. Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan xuska 1-da Luulyo u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan . Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladdu ay ka shaqeyneyso ilaalinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed shacabkana looga bahanayahay inay dowladda ku tagaeeraan arrintaasi.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here