Munaasibadii bandhiga Qorshe Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI + Sawirro

0

Sida ay qortay Shebekada xaysimo.com Magaalada Hargeysa waxaa ka dhacay kulan balaadhan oo lagu soo bandhigidda Qorshe Siyaasadeedka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee uu hogaamiyo Mudane C/raxmaan Cirro. Goobta waxaa jooga Guddoomiye Cirro, musharrax ku-xigeenka xisbiga WADDANI Mud.Axmed Muumin Seed, Madaxdhaqameed, Cuqaal, Salaadiin, qaar ka mid ah ururada bulshada iyo dadweyne aad u tiro badan, sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay guddoomiya madasha wadatashiga Somaliland Muj.Xasan Guure. Munaasibada waxaa lagu bilaabay aayadaha qur’aanka kariimka. Waxaaana lagu xejay heesta calanka Somaliland oo ay soo bandhigeen qaar ka mid ah fannaanta, dabadeedna waxaa mikirifoonka lagu soo dhoweeyey guddomiyaha Xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan, isagoo soo dhaweeyey inuu ka soo qaybgalo shirkan. Gudoomiyuhu wuxuu u mahadnaqay dhammaan Madaxda Xisbiyada, Madaxda Waddanka, Bulshada Somaliland iyo dhammaan Madaxda Xisbiga Waddani. Xisbiga Waddani ayaa iminka lagu tiriyaa inuu yahay Mustaqbalka Somaliland marka la qiimeeyodeganaanka Siyaasadeed ee Xisbiga gudihiisa, korista dhaqsaha ee uu sameynayo iyo xirfada iyo aqoonta siyaasadeed ee hgaamiyeyaasha Xisbiga. SAWIRRO [gallery td_gallery_title_input="Munaasibad Qorshesiyaasadeed Wadani" columns="4" ids="4275,4276,4277,4278,4279,4280,4281,4282,4283,4284,4285,4286,4287,4288,4289"] Xigasho xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here