MUQDISHO:-BEELO SHIRAYA OO LAGU CANAANTAY KA SHAQEYNTA AMNIGA

0

Taliyaha ciidanka Nabadsugida Dowlada Federalka Soomaaliya (NISA) C/llaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa ku wacyi galiyay Odoyaal,Ganacsato iyo Haween kazoo jeeda beel ama qabiil oo ku shiraya magaalada Muqdisho sidii ay uga gacan siin lahaayeen dowlada hanaanka geedi socod xasiloonida Muqdisho iyo Soo dhaweynta dadka kale ee martida ku ah.

Taliye Sanbalooshe ayaa hadalkiisa ku sheegay inuu kazoo dul dhacay shirkaan oo uu sheegay inaan lagu casumin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Maamulka dowlada uga wakiilka ah Muqdisho, wuxuuna si kulul ula hadlay dadkii isugu yimid madasha shirku ka socday.

Wuxuu si gaar ah ugu dheeraadey Taliye C/llaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe)  Ahmiyadda ay u leedahay dadka ku nool Muqdisho inay ka shaqeeyaan Amniga, Isagoona carabta ku dhuftay in beelaha ku nool looga baahan xil gaar ah  oo ay iska saaraan arrintaas.

Hadalka Taliyaha NISA oo lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa fasiraya jiritaanka cabashooyin ka dhan ah Dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dhagayso khudbadda Taliye Sanbalooshe.

Goojacade.com
Muqdisho-Soomaliya
Email:-Goojacadewebsite@gmail.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here