Muqdisho: Hoobiyeyaal ku dhacay Xamar Jajab iyo 2 qof oo ku dhimatay

0

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay tiro ka badan tobana way ku dhaawacmeen kadib markii dhawr hoobiye ay ku dhaceen degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood ahaa rayid ay madaafiicdu ugu tagtay guryahooda iyo wadooyinka. Lama garanayo halka madaafiicdani bartilmaameedkoodu ahaa. Dhawr jeer ayaa sidan oo kale hoobiyayaal lagu soo tuuray degmooyinka magaalada Muqdisho.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here