Muqdisho: Labada gole ee BS oo si deg deg u ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2020

0
xildhibaanada labada aqal dfs

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa kulan ay yeesheen waxa ay goordhoweyd ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sanadka 2020.

188 Xildhibaan ayaa ogolaatay ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka aamuseen

Wasiirka Maaliyada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa horgeeyay sharcigan Golaha Sharci dajinta ee labada aqal.

Miisaaniyadda sanadka 2020 ayaa gaareysa $459.5 Milyan, waxaana kala bar lacagtaas ay tahay deeqaha dibadda ka imaanaya ee dowladaha iyo Hey’addaha deeq bixiyeyaasha ay ku ka bayaan Miisaaniyadda dowladda Federaalka.

Ansixinta miisaaniyaddan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa maalintii ugu dambaysay sanadka 2019, si sanadka 2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

Waa markii ugu horeysay ee ay labada gole si wadajir u ansixiyeen miisaaniyada, iyadoo hore golaha Shacabka oo kaliya u ansixiyeen miisaaniyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here