Muqdisho: Masaajid dumay oo dad badani ku dhaawacmeen

0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in masaajid uu dhisme ku socday oo ku yaalla degaanka Garasbaaley ee degmada Hodan uu soo dumay, xilligii salaadda Jimcaha. Khadiibka masaajidkaasi Sheekh Maxamed Xaashi Faarax ayaa idaacadda VOA u sheegay in masaajidka uu kusoo dumay dhisme lagu ballaadhinayo ayna ku sugnaayeen ilaa 200 oo shaqaale ah oo ku waday shub. Masaajidka ayaa soo dumay xilli ay shaqaalaha isku diyaarinayeen salaadda iny tukadaan, sida uu idaacdda VOA u sheegay Sheekh Maxamed. Ugu yaraan 30 qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen kuwo kalena ay weli ku hoos jiraan burburka dhismaha.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here