Muuse Biixi "Anigoo cod heli kara Sool iyo Sanaag u carari maayo waa ila hadhayaan"

0

(Xigasho xaysimo.com) Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa u tartami doona Madaxtinimada Somaliland ayaa xiligii uu u ololaynayey in Golaha Dhexe ee Xisbigu doortaan, la waydiiyey waxa uu u qaadan waayey Madaxweyne kuxigeen ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag? Muuse Biixi oo aan ahayn siyaasi, waxa calooshiisa ku jirana ku hadla ayaa ku jawaabay hadal aan dadbadan oo Harti ahi ka filanayn, iyagoo u arkayey inay jireen hadalo kale oo siyaasadeed oo ka qurux badan. Muuse Biixi wuxuu ku jawaabay “Nin codeynaya intaan ka cararo nimaan codeynayn u carari maayo waan isla hadhaynaa”. hoos ka daawo hadalkii Muuse. Hadalka Muuse biixi waa runtiis oo maaha wax laga murmi karo inaan degamadaas laga codeyn, laakiin waxaa jiray hadalo kale oo sarbeeb ah uu oran karayey, sidii kuwii Siilaanyo lahaa, tusaale ahaan anigu dhex baan u ahayn kii soo baxa, xisbigu waa dimoqraadi ee waxaan eegaynaa qofkii ku guulaystana, Fartana sidii Siilaanyo uu Saylici u taago, mana ha wax dhibaato keeni lahaa haduu Odayga ku daydo. Hadalka Muuse Biixi Harti wuxuu ula mid yahay “ANIGOO WAX DILI KARA DUCO QAADAN MAAYO” /ANIGOO AWDAL HELAYA SOOL IYO SANAAG AADI MAAYO) HADABA MAXAA LA GUDBOON SHACABKA SOOL IYO SANAAG? Hadalka Muuse Biixi waxaa ka muuqata, inaanu Harti cod ka sugayn ugana fadhiyin ama uga baahnayn, islamarkaana codkasta oo ay siiyaan aanu lib iyo abaaltoona ugu hayn. Hadii uu codkooda ku soo baxano aanay u xisaabsanayn, haddii uu ku dhacona aanu eed ugu hayn. SIDAASDARTEED REER SOOL IYO SANAAG WAXAA LA GUDBOON “NINKII KU ARKI WAAYA WAA LAYS TUSAAYE IN WIXII HARTI AH EE CODEEYAA AANAY CODKOODA SIIN MUUSE BIIXI OO KA CODEEYAAN” MUUSE BIIXI WAXAA U TAAL MAAHMAAHDII “NUUR IYO NAALAYEBA WAA LOO JOOGAAYE NAFTU YAANAY IGA BIXIN” MUUSOW HARTI COD KUUMA HAYO, ADNA KA SUGI MAYSID, MADAXWEYNE KUXIGEEN REER AWDAL AHNA QAADATAYE EE HA DHICIN” DAAWO HADALKII MUUSE BIIXI https://youtu.be/XjipTxkUaho Rayiga dadweynaha]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here