Muuse Biixi Ma aaminsanyahay in Somaliland lawada leeyahay iyo 26 Juun?

0

Somaliland waxaa la yiraahdaa dadkii iyo dalkii Boqortooyada Ingiriisku gumeysan jirtay ee xornimada ka qaatay 26 Jun 1960. Jiritaanka iyo xuduuda Somaliland waxaa sal iyo aasaas u ah gumaysigii Ingiriiska iyo xornimadii 26 Juun 1960. la’aanteedna wax sharciyad iyo aasaas ah oo ay leedahay ma jirto, waxayna la mid noqonaysaa Reer ama degaan Soomaalida ka go’aya oo reerihii derisyada la ahaa xoog ku qabsaday. 26 Juun la’aanteed Somaliland ma yeelanayso xuduud lagu doodo. Markii Somaliland xornimada qaadatay beesha Dhulbahante ayaa soo jeedisay in Somaliland mudo gooni u taagnaato oo markiiba aan laysku darsamin, laakiin waxaa ka hor yimid oo diiday Beesha Isaaq, waxayna halhays ka dhigteen LAA YAA GARAAD, taasina waxay keentay midowgii 1 July 1960. Dhowaan Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo ka jawaabaya suaallo iyo cabashooyin ay ka mid ahaayeen xus la’aanta maalintii weynayd ee 26 Juun ee Somaliland xornimada qaatay iyo inaan lagu wada qanacsanayn 18 MAY oo ay weydiiyeen Qurbejoog ka soo jeeda Beelaha aan Isaaqa ahayn, ayuu ku jawaabay hadal dublomaasiyadeed oo kooban oo dulucdiisu ahayd: Waxkasta oo aan ku kala duwanahay waan ka wada hadlaynaa, waxaana qaadanaynaa waxaan ku midaysanahay, Somalilandna waan wada leenahayn oo taladeedu waa inaga wada dhexaysaa. Waxaa wax lala yaabo iyo ayaandaro ah in Musharaxa Madaxtinimada Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi qaylo dheer ka sameeyo soo hadal qaadka 26 Juun, iyo in wixii lagu kala duwan yahay laga wada hadlo oo Somaliland la wada leeyahay, isagoo Cabdiraxmaan Cirrona ku eedeeyey inuu dafiray 18 MAY. Hadal iyo eedaynta Muuse Biixi iyo Xisbigiisa ka soo yeedhay waxay muujinaysaa: 1. In Muuse Biixi uu u sharaxan yahay dal aanu aqoon u lahay waxa aasaaska u ah sheegashada jiritaankiisa, xuduudihiisa, degaankiisa iyo dadkiisa, islamarkaana hadii beri la doortona aanu caalamka u sharaxi karin Somaliland waxay tahay oo ku salaysan tahay. 2. Inaan Muuse aaminsanayn in Somaliland lawada leeyahay, taladeedana dadka kawada dhexayso oo laga wada hadli karo wixii lagu kala aragti duwan yahay. 3. Inuu aaminsan yahay inaan Beelaha aan Isaaqa ahayni waxba ku kordhin karin talada Somaliland, cabashooyinkooduna aanay mudnayn in laga jawaabo. 4. In haddii uu xukunka ku guuleysto beelaha darafyada degaankii ka aragti duwanaada uu xoog ku muquunin doono oo aanay wadahadal iyo qancis qorshaha ugu jirin. 5. In aanu weli u bislaan oo gaarin heer uu ku maamulo oo ku hogaamiyo dal iyo bulsho kala aragti duwan, musharaxnimadiisana uu ku deg degay. Isku wada duuboo waxaa haboonayd in intaan Muuse Biixi isu sharixin Madaxtinimada Somaliland uu barto taariikhda Somaliland, iyo waxa aasaaska u ah jiritaankeeda iyo qiimaha ay ugu fadhido maalinta 26 Juun oo ay gumaysigii Ingiriiska xornimada ka qaateen oo dawlada noqdeen, iyo cidii dawladnimadii hadiyada u bixisay oo ilaa maanta caqabadii taagan tahay iyo kuwii ka jooga lahaa ee lagu gacansaydhay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here