MUUSE BIIXI OO CODKII SOOL IYO SANAAG BARRI U DABA FADHIISTAY MAXAMUUD XAASHI

0

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa u muuqda inuu go’aan ka qaatay cida uu u daba fadhiisan lahaa codka dadkii Iska Diiwaangeliyey Gobolada Sool iyo Sanaag Barri, kadib markii uu mudo dheer daawanayey Dagaal Awoodeed oo u dhexeeyey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland MAXAMUUD XAASHI CABDI iyo Wasiirkii hore ee Khayraadka Biyaha BAASHE CALI JAAMAC oo ku loolamayey Cida dhiibi doonta gacanta Dhulbahantaha Isdiiwaangeliyey. Loolanka Baashe iyo Maxamuud ayaa gaadhay meel aan laga gorgortami karin, taas oo keentay in bishan bilowgeedii uu Maxamuud adeegsado awooda adeerkiis, iyadoo si goobasho ah Xilka looga qaaday, halka Baashena uu taageero balaadhan ka helay degaamada uu ka soo jeedo iyo guud ahaan shacabka Somaliland mucaarid iyo muxaafidba. Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo taageerayaal badan ku lahaa dadka iska diiwaangeliyey degaamada Sool iyo Sanaag Barri ayaa u muuqda inuu si khaldan u xisaabtamay oo ay saameyn ku yeelatay Xilka Qaadistii Baashe Cali, iyadoo la hadal hayo inuu go’aansaday inuu codkaas u daba fadhiisto Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi oo lagu xanto inuu u ololaynayo inuu noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse dabadiis. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa markii ugu horeysan Musharax Muuse Biixi Cabdi u gelbiyey Sool iyo Sanaag Barri si uu ugu cadeeyo codka iyo taageerada uu degaamadaas ugu hayo, arintan oo dhabarjab ku noqotay taageerayaashii Musharax Muuse Biixi, iyadoo ay meesha ka baxayso hankii iyo kalsoonidii ay degaamadaasi u hayeen Muuse, maadaama uu codkii Beesha u daba fadhiistay gacan kale, Baashena ka hiiliyey,iyadoo horey loogu tuhunsanaa inuu ka gaabiyey Xil ka qaadistiisii, caawana waxaa laysku wareysanaya Kelmado ay ku muujinayaan siday uga xun yihiin oo ay ka mid yihiin LA MOOD NOQONSE WAA, IYO LOOGAMA FADHIYIN. Shacabka Laascaanood oo sugayay Muuse Biixi keligiis ah ayaa berito nasiib u yeeshay in MAXAMUUD XAASHI keenay oo ku afgobaadsanaya waxaan u soconay Abaartii iyo colaadii hawdka. MAXAMUUD XAASHI OO TIRSANAYA INUU BAASHE KA GUULEYSTAY AYAA BILAABAYA INUU BURBURIYO DHAMAAN TALAABOOYINKII IYO WAXQABADKII BAASHE CALI JAAMAC OO AY UGU HOREYSO MAXAMUUD GARAADNIMADII LAGU ADKEEYEY AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE IYO HESHIISYADII.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here