Muuse Biixi oo difaacay Cable-kii Inaadeerkii iyo kii Reer Sool Higlada ku celiyey

0

Kulan ay gelinkii hore ee maanta Magaalada Laascaanood ku yeesheen Beesha Maxamuud Garaad iyo Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumadiisa ayaa fashil iyo afgaranwaa ku dhamaaday. Beesha Maxamuud Garaad oo aan kala hadh lahayni waxay codsadeen in si deg deg ah loo soo daayo Xarig (Cable) Internet oo ah nooca xawaarihiisu dheereeyo oo ay leeyihiin Ganacsato ka soo jeeda degaanka oo Somaliland kaga horjoogsatay duleedka Laascaanood oo maanta loo balansanaa in la dhamaystiro, iyadoo horey loogu carab laabay. Weftigii Kulmiye ee uu Muuse hogaaminayey ayaa si cad u diiday in Cable ka magaalada la soo geliyo, iyagoo difaacaya Cable kale oo uu leeyahay Nin Ganacsade ah oo ay isku hayb yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi oo la yiraahdo Ina Aw Siciid, kaas oo loo balanqaaday in Somaliland loo xidhayo oo cid kale aan loo ogolaan doonin. Ganacsadahani wuxuu taageeraa Musharax Muuse Biixi. Shacabka Reer Sool iyo Sanaag Barri oo aad u taageersanaa Muuse Biixi ayaa aad uga niyad jabay dhacdadan, iyadoo socdaalkii Muuse ee Gobolka Sool uu maanta fashil iyo weji gabax ku soo dhamaaday. Xanibaada Cable ganacsatada SSC ee higlada lagu horjoogsaday ayaa noqonaysa mid saameyn balaadhan ku yeelata guud ahaan dareenka shacabka iyo xidhiidhka ama aragtida ay Muuse Biixi ku aadan. Si kastaba hayska ahaatee Musharaxa Kulmiye oo Gobolka Sool u tegay inuu biliqaysto waxqabadkii iyo codkii diiwaangelinta ee Wasiirkii hore ee Biyaha Baashe Cali Jaamac, oo aanay weli bixinin deyntii shirarka ayaa guuldaro kala soo kulmay socdaalkiisa, wuxuuna lumiyey taageerayaal aad u farabadan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here