Muuse Biixi oo Guddoomiyaha 3aad ee KULMIYE u Magacaabay Xuseen Aadan Cade

0

Ku: Xuseen Aadan Cadde =Hargeysa = January 15, 2017 Og: Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE =Hargeysa = Og: Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE =Hargeysa = Og: Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud =Hargeysa = Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga KULMIYE Kadib markaan arkay xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE ee bannaannaaday ansixintii Shirweynihii 3-aad ee xisbiga KULMIYE kadib. Kadib markii aan la tashi la sameeyey xubnaha Hoggaanka xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso. Kadib markaan arkay muhiimadda buuxinta xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee bannaani u leedahay waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay: – In Xuseen Aadan Cadde – Laga bilaabo maanta, January 15th, 2017, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad (3-aad) ee xisbiga KULMIYE. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Mudane Xuseen Aadan Cadde ku asturo xilka iyo masuuliyadda culayskeeda leh ee uu u qaaday dhammaan bah-weynta xisbiga KULMIYE. NB: Magacaabista xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee kor ku xusan waxa ay dhaqangali doontaa ansixinta shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya kadib. Xil gudasho wacan. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here