Muuse Biixi waa gar buu u leeyahay inuu iska fogeeyo musharax aan cod iyo degaan lahayn

0

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa cadeeyey in aanu Madaxweyne kuxigeen u dooran doonin qof aan degaankiisa laga codeynayn, isagoo iska fogeeyey Xaglotoosiye oo baryahan xaflado iyo fooladaysi uga socday Magaalooyinka Laascaanood iyo Burco, kadib markii uu madax maray Han siyaasadeed aan lahayn dariiqii loo mari lahaa. Gudoomiyaha ayaa sheegay in degaanada Sool iyo Sanaag aan inta badan laga codeyn duruufo jira awgeed, isagoo sheegay hadii Sool iyo Sanaag codeyn lahaayeen in aanu cidna ku doorsadeen, isagoo muujiyey in haddii uu madaxweyne kuxigeenka doorto ay isla dumayaan. Hadalka Muuse Biixi ayaa ah mid gar ah, iyadoo aanay suugtagal ahayn in uu tuurta ku qaato musharax aan dad iyo degaan toona u soo kordhinayn oo hoylaaw u muuqada. DaawoMuuse Biixi: https://youtu.be/-9kjijPD96g]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here