Muuse ma ilaawey inuu reer SSC ku yiri “cod maleh nimaan codeynayna u carari maayo”

0

“WAR MAANDHOW AXSAAN LAGAMA TAGO EED HADAAD FALIYE” Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sanadkii tegay markuu u tartamayey in Golaha dhexe ee Xisbigu u doorto musharaxnimada madaxtinimada Xisbiga ee doorashada Madaxweynaha Somaliland waxaa la weydiiyey wuxuu Madaxweyne Kuxigeen Sool iyo Sanaag ka soo jeeda uu u dooran waayey? Muuse Biixi ayaa jawaabtiisii ku soo gaabiyey Reer Sool iyo Sanaag cod maleh, markaa nafbaa noo geynaysa inaan kan codeynaya xagiisa u cararo “Nin codeynaya intaan ka cararo nimaan codeynayn u carari maayo”. Tan iyo maalintii Muuse Biixi ku guuleystay Musharaxnimada Madaxweynaha ee Kulmiye waxaa isa soo taraysay xanta iyo xuuraanka tibaaxaya inuu luminayo taageerada Galbeedka (Awdal iyo Salal) Somaliland, iyadoo marka goleyaasha faalada taageerayaasha Xisbiyada lagu falanqeeyo laysugu yimaado Reer Awdal lagu saadaaliyo inay taageersan yihiin Xisbiga WADDANI. Bilihii ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxaysay xan iyo ficilo muujinaya in Musharax Muuse Biixi uu miciin biday oo naftu u geysay inuu u cararo degaamada Sool iyo Sanaag ee uu horey uga cararay oo ku tilmaamay kuwo aan cod lahayn, si uu magdhow ugu helo taageerada uu ku luminayo Galbeedka. Waxaa dadka wax odorosaa hilaadinayaa inuu Muuse Biixi Sanaag Barri uga baahan yahay 30 000 oo cod, halka Gobolka Soolna ka rabo 50 000 oo cod. Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa layska daba dirayey Wasiiro iyo xubno Kulmiye ah oo si dadban u waday olole taageero raadin ah, kuwaas oo isku qarinayey wacyigelinta diiwaangelinta. Waxaa degaamada badankooda laga sameeyey dhagaxdhiga mashaariic ciidaas ka badan oo aanay muuqan hirgelintoodu, una muuqda in shacabka aan 6 sano oo hore waxba loo qaban, dantana laga lahayn lagu soo jiidanayo, iyadoo ay ugu dambeyso 5000 oo dollar oo Muuse Biixi ugu deeqay wado isku xiraysa Ceerigaabo iyo Laascaanood oo shalay la dhagax dhigay, halka tii Ceerigaabo iyo Burco aan fari ka qodnayn. Sikastaba hayska ahaatee wadaad baa yidhi “MA KULA TAHAY INAAD BOWLAD WIIL KU DHALAYSID?” Dadka Sool iyo Sanaag horaa Muuse Biixi ugu cadeeyey in aanu cod ka sugay oo uu ka cararay iyo maqaamka ay agtiisa ka joogaan, maanta dhagaxdhig maqaar saarka ah ee xukuumada waqtigeedii dhamaaday degaamadaas daadinayso iyo shilimaan la bixiyaa waxba ka bedeli mayso dareenka Reer Sool iyo Sanaag, waxayna ka baqayaan inuu taageero ku filan waayo oo ay isla dhacaan, naf baana ka carar siinaysa siduu isagu markii hore uga cararayey. DAAWO HADALKII MUUSE BIIXI: https://youtu.be/XjipTxkUaho]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here