Muxuu Ku Saabsanyahay Banaanbaxyo maanta ka dhacaya magaalooyinka Jowhar,Balcad iyo Beledweyne?

0

April 26 (Goojacade.com)—Wararka ka imanaya qaar kamid ah magaalooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in ay socdaan qabanqaabada banaanbaxyo lagu taageerayo dowlad goboleedka Hirshabelle loogagana soo horjeedo dowlada federalka Soomaaliya.   Magaalooyinka Jowhar,Beledweyne iyo Balcad ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ka dhacaan banaanbaxyadan iyadoo xiriirka u dhexeeya dowlad goboleedka Hirshabelle iyo dowlada federalka uusan wanaagsanayn. Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa u sheegay jowhar.com in banaanbaxydan ay yihiin kuwo lagu muujinayo dareenka shacabka Hirshabeelle ee ay ku aadan taageerada ay u hayaan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo sida ay u diidan yihiin in lagu xadgudbo xuquuqdooda. Wasaarada duulista hawada ee dowlada federalka ayaa dhowaan ka joojisay diyaarado qaad geynayay magaalada Jowhar in ay ka degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar iyadoo qaadkaasna uu ahaa mid  dhinaca dhulka ah lagu geynayay caasimada dalka ee Muqdisho. Ganacsatada qaadka iyo dowlada federalka ayaa isku khilaafay canshuur laga qaadayay qaadka taasoo ugu dambeyntii ay ganacsatadu heshiis la gaareen dowlad goboleedka Hirshabeelle. Hase yeeshee ganacsatada qaadka iyo dowlada ayaa ka heshiiyay khilaafkii dhex yiil iyadoo dib ay u bilaabeen ganacsatada inay isticmaalaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble ayaa dhowaan sheegay in la doonayo in  cunoqabatayn la saaro Hirshabeelle balse aysan ka oggolaan doonin cunoqabatayntaas. “Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, Waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble dhowaan xilli uu ka soo laabtay safar uu ku tegey magaalada Buulobure ee gobolka Hiiraan. Hase yeeshee,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Goojacaded.com Muqdiho-Somaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here