Muxuu Yahay Go'aanka cusub Ee Hay'ada Socdaalka Mareykanku kaga farxisay Soomalida dalkaasi?

0

  Dowlada Mareykanka ayaa Shaaca ka Qaaday inay Hakisay Talaaboyinkii Lagu Qaqabanjiray Dadka Soomaliyeed ee Sharci Darada ku jira dalkaasi. Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Qorshihi Laga Laha Qabqabaashada laga gaaray islamarkaana aysan dhici doonin in soomali danbe loogu Tago Guryahooda iyo Goobaha shaqooyinkooda. Hay’adaha Khuseyaa Socdaalka ee Dalka Mareykanka ayaa ku Wargeliyey Safaaradda Soomalida in ay joojiyeen Qabqabaashada dadka soomalida ee Sharci darada ah. Safiirka DFS u Fadhiya Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Hay’addu ka jawaabeyso cabaasho ay safaarada soomaliya iyo sharci Yaqaano arrintan kala shaqeynayey ay u gudbiyeen Hay’adda. safiirka ayaa sheegay in cabaashadooda ay ku Qeexen in talaabada noocasi ah aysan laheyn mid lagu baarayo Sharciga balse ay tahay mid lagu ugaarsanayo Soomalida. Talaabada lagu aruurinayo Soomalida ayuu sheegay in bartilmaamed gaar ah lagu hayey somalida,ma aadama dhhaawan Mareykanka Laga masaafuriyey soomali badan. Dhinaca kale,Hakinta qabqabaashada soomalida ayaa suuragali doonta in kuwa aan sharciga haysan ay dib ula midooban Qoysaskooda ma aadama ay ku kala taagen ugaarsiga lagu hayo. Goojacade.com Muqdisho-Somaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here