Muxuu yahay nuxurka ka muuqda warsaxaafadeedkii uu Garaad Saleebaan 10/03/2017 ku qabtay Dalka Imaaraadka Carabta

0

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ku sugan dalka Imaaraadka carabta ayaa 10/03/2017 warsaxaafadeed ay goob joog ka ahaayeen koox beesha uu garaadka u yahay oo uu ka mid yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku qabtay guriga uu ka degan yahay magaaladda Abudhabey ee dalka imaaraadka carabta kaga hadlay arimo dhowr ah oo khuseeya ujeedaddii uu warsaxaafadeedka u qabtay oo qaar ka mid ah dadkii daawaday fahamkiisa ku kala duwanaadeen. Taas oo keentay in la derso nuxurka iyo waxyaabaha ka muuqday warsaxaafadeedkaas oo ay ka muuqdeen:- 1. Waxaa ka muuqata in caafimaadka garaadku uu aad uga soo fiicnaaday marxaladii caafimaad ee dalka Imaaraadka carabta lagu geeyey bilowgii 2016. 2. Waxaa ka muuqata Abaalsheegasho ku saabsan doorkii uu ku lahaa dhismihii Khaatumo2 oo shirkiisa 16/01/2012 lagu qabtay Taleex oo uu gogoshii shirka isagu dhigay walow arintaas dhibaato ka dhalatay. Taas oo ay ka keentay kadib markuu arkay in mulkiyadda mashruuca Khaatumo cid kale ka sheegatay. 3. Waxaa ka muuqata In aanu jirin maamul Khaatumo la yiraahdo oo uu aqoonsan yahay oo ka dambeeyey kii taariikhdaas lagu dhisay Taleex oo 3da madaxweyne lagu magacaabay iyagiina aanay shaqayn iskana kala tageen sidaasna uu ku baaba’ay. 4. Waxaa ka muuqata in aanu garaadku qayb ka ahayn lana socon wadahadalada iyo heshiiska ay hor kacayaan Garaadka Guud Garaad Jaamac Garaad Cali iyo siyaasiga guud Cali Khaliif Galaydh ee Somaliland lala wado oo mudooyinkan dambe looga shaki qabey in uu wax kala socdo iyo weliba taageero uu u muujiyey shirkii inta badan Isimadda SSC ay ku baaqeen in Buuhoodle lagu qabto haddii Alle idmo. 5. Waxaa ka muuqata baaq iyo taageero aan kala hadhlahayn oo uu u muujiyey dawladda cusub ee Soomaaliya oo Farmaajo iyo Khayre hor kacayaan baaqaas oo laga leeyahay arimo ay ka mid yihiin In xildhibaan goobta ku sugnaa oo beesha ka tirsan baadidoon mansab wasiirnimo looga dhigo iyo in garaadka loogu raadiyo taageero uu ka helo madaxda cusub ee dawladda Soomaaliya maadama ay meesha ka baxday dawladdii uu hore taageerada uga helay ee Xasan Sh. Iyo CCC Sharmarke, Iyadoo abaabulka warsaxaafadeedka uu xildhibaanku iska lahaa. Garaadkana loo laqimayey oo hoosta looga sheegayey hadalo aanu la socon ama garanayn oo laga rabey in uu yiraahdo keliya. 6. Waxaa ka muuqata in garaadka ay gaadhay fariinta ayaamahan dambe ay odayaal beesha Maxamuud Garaad sheeganayaa saxaafadda marinayeen, fariintaas oo khuseysey heshiisyo hore ay Somaliland ula galeen oo lagaga baxay iyo xadhiga Internetka Golis oo Laascaanood loo diidey. Uuna taas taageero u muujinayey. 7. Waxaa ka muuqata in garaadka laga qadiyey oo aan waxba laga siin lacago ay agtiisa Somaliland kaga qaateen dad uu ka mid yahay Garaadka guud Garaad Jaamac Garaad Cali, lacagtaas oo loo siiyey si ay Khaatumo ugu biiriyaan Somaliland qaybna ka ah lacagtii Somaliland Xaqulqalinka kaga qaadatay dekedda Berbera. 8. Waxaa ka muuqata in uu jiro burbur iyo khilaaf ka dhexjira Jaaliyadda reer SSC ee dalka Imaaraadka carabta oo dhowr kooxood oo jaaliyado ahi samaysmeen, koox walibana ay magaca jaaliyadda SSC sheegato, goobta warsaxaafadeedkana ay ku sugnaayeen oo keliya koox garaadka beeshiisa ah. 9. Waxaa ka muuqata in garaadku aanu kalsooni iyo taageero midna u hayn maamulka Puntland oo tan iyo sidii loo asaasay uu aad u taageeri jirey dhibaaato badan oo shakhsiyadiisa iyo Saldanadiisa ku dhacayna ay taageeradaasi u keentay sababta taageeradaasna loo tiriyo in uu ku illaaliyo xilal iyo mushaharo ay ka qaataan dhalinyaro qoyskiisa u badan oo uu hormuud u yahay Saadiq Abshir Garaad. Kalsooni daradan oo la sheegayo in ay sii siyaaday markii Madaxda maamulka Puntland ay wax gacan ah ka geysan waayeen caafimaad daradii lasoo gudboonaatay garaadka walow ay xoogaa gunno lacageed oo bille ah si joogto ah u siiyaan. Isagoo sheegay in uusan jirin maamul aan ka ahayn ka federaalka Soomaaliya oo uu taageersan yahay. 10. Waxaa ka muuqata in dhowr jeer oo uu saxaafadda la hadlay intuu Imaaraadka ku sugnaa loola dhaqmayey sidii nin maskaxda ka naafoobey oo makuu dhowr kelmedood ku hadlo qof kale waraaq ka dul akhrinayo isagoo iska dhigaya in uu afkiisa ku hadlayo. Akhrinta warqadaas oo ay ka muuqato kalsooni daro xagga soo jireenimadda saldanadda ahi iyadoo lagu celcelinayo ereyga Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud. Daawo warsaxaafadeedka garaadka https://youtu.be/4sYXjAorzRw Email: goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here