Nin Hindiya oo 12km meydka xaaskiisa garabka ku waday

0

Nin danyar ah oo dalka Hindiya ku sugan ayaa maydka xaaskiisa waday 12km kaddib markii isbitaalkii ay ku dhimatay uu ku eedeeyay in uusan ka helin gaari uu ku qaato si uu u geeyo tuuladii uu ka yimid. Amang oo ah xaaska Dana Majhi’s ayaa cudurka qaaxada ama TB ugu geeriyootay isbitaalka degmada ee magaalada Bhawanipatna iyada oo 42 jir ah. Majhi ayaa sheegay in tuuladiisu ay u jirto 60km isla markaasna uusan awoodin in uu gaari u kireeyo. Mas’uuliyiinta Isbitaalkaasi ayaa diiday eedaymahaas iyagoo sheegay in iyadoo la ogeyn uu meydka la baxay ninka qabay marxuumada. “Haweenaydaas waxaa la dhigay isbitaalka Talaadadii isla habeenkii ayayna geeriyootay. Ninkeeda ayaana la tagay maydkii isaga oon ogaysiinin shaqaalihii isbitaalka” sidaas waxaa sheegay B Brahma oo ah masuul sare oo dhanka caafimaadka ah. Sikastaba ha ahaatee Majhi ayaa ku eedeeyay shaqaalaha isbitaalku ay ku celceliyeen in uu la boxo mayd uuna xaaskiisa la tagay Arbacadan. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here