Nin muslim ah oo ku horeeyo cododka doorashada duqa magaalada London

0

Natiijada doorashada duqa magaalada Londan ayaa lagu wadaa inay noqoto 57% in duqa magaalada London uu noqdo Sadiq Khan, taasoo ka dhiganta in qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah duq magaalo ka noqdo London taariikhda. Dadka London ayaa shalay u dareeray bixinta cododka qofka ay dooranayaan, waxaana guuldaro kasoo gaartay doorashadaan Zac Goldsmith oo xisbiga Conservatieve Party oo 43% ka gaaray natiijada horudhaca ah. Natiijada rasmiga ah ayaa caawa si rasmi ah lagu dhawaaqi doonaa, iyadoo magaalada London laga dareemayo isbadalka siyaasadeed ee dadku sameeyeen. Dadka Muslimiinta ayaa doorashadaan si weyn ugu qeyb qaatay, sidoo kale waxaa kaalin ku leh soo bixida Sadiq Khan dadka ajaaniibta ah ee ku nool London.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here