Nin Qaxooti Yemeni ah oo shalay isku hor gubay UNHCR Hargaysa

0

Nin qaxooti u dhashay Yemen ayaa shalay isku hor gubay xarunta hay’adda Qarmada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR. Arrintan ayaa timid nolol xumo haysata qaxootiga ku sugan Somaliland kuwaasi oo dhawr jeer oo hore laga dayriyay xaladooda nololeeda, waxaana ninka is gubay la sheegay in dhawr jeer oo hore ku soo laabtay xarunta UNHCR ee magalada Hargaysa isagoo gargaar dalbanaya. Xukuumadda Somaliland iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaaxootiga weli kama aysan hadlin falkaasi, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray ka dib loo qaaday xarun caafimaad. Somaliland, waxaa ku sugan qaxooti ka yimid colaadda ka socota Yemen, waxaana falka isgubista lagu tilmaamay inuusan ahayn markii ugu horaysay ee qof gaxooti ah isku dayo, hadda ka hor ayaa la sheegay in qof falkaasi ku kici lahaa laga bad baadiyay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here