Ninkii afduubay diyaarada Masar oo jacayl dartiis u sameeyey

0

Ciidamada amaanka Dalka Qubrus ayaa xabsiga u taxaabay ninkii afduubtay Diyaarad ay lahayd Shirkada Diyaaradaha ee Dalka Masar oo kasoo kacday Magaalada Alexandria kuna sii jeeday Qahira. Dawlada Qubrus ayaa shaacisay inuu ninkani xirnaa suun u eg wal-xaha qarxa oo an run ahayn, iminkana gacanta lagu hayo , laguna samayn doono baaritaano kala duwan oo ku aadan waxa ku kalifay afduubka diyaarada, waxayse u badinayaan inuusan ninkani diyaarada u afduuban arimo la xiriira argagixisanimo. Telefishinka Dawlada Qubrus ayaa shaaciyey in ninkani sheegay inuu diyaarada u afduubtay si uu ugu tago xaaskiisii hore oo ku nool Magaalada Larnaca ee Dalkaasi Qubrus, wuxuuna warku intaa ku darayaa inuu codsaday in loo gudbiyo xaaskiisii hore. Dawlada Qubrus ayaa ninkan ku tilmaantay mid aan xasiloonayn balse aan u muuqan inuu ku lug leeyahay arimo argagixisanimo. Warbaahinta qaar ayaa horay u baahisay ninkani inuu diyaarada u afduubtay si uu u dalbado in loosii daayo haweenay ku xiran Dalka Masar, halka qaar kalena tabiyeen inuu xiran yahay wal-xaha qarxa uuna xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada ah. Siday doontaba ha ahaate Saxaafada aduunka ayaa si aada u qaada dhigaysa ninkan afduubtay diyaarad u kala gooshaysay gudaha Dalka Masar, kana dejiyey Qubrus.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here