Norway oo indhoshareerka ka mamnuucday goobaha waxbarashada

0

Sharci mamnuucaya in goobaha waxbarashada laga mamnuuco indhashareerka dumarku xirtaan ayaa waxaa uu maanta kasoo baxay dalkaasi Norway kaddib markii cod loo qaaday sharcigaasi oo baarlamaanka dalkaasi la hor geeyay. Sharcigan oo uu dabada ka riixayay islamarkaana uu ololihiisa bilaabay wasiirka waxbarashada dalkaasi Torbjørn Røe Isaksen (H) ayaa sheegay in ay uga gol leeyihiin in sharcigan laga hirgeliyo dalka oo dhan islamarkaana la waafajiyo kan dunida inteeda kale ka jira. Waxaa taageeray hirgelinta sharcigan xisbiyo kale oo u janjeera dhanka ajnabiga iyo muslimiinta sida xisbiga Arbeiderparti. Wali ma cadda in sharcigani cusub uu ku egyahay oo keliya xilliga xiisadaha, balse wasiirka ayaa laga warsugayaa in uu arrintaasi kala caddeeyo. Sharcigan cusub ayaa waxaa ka horyimid ardayda iyagu isticmaala indhashareerka ee goobaha waxbarashada jooga, waxaa ay sheegeen in iyaga lagu cunsuriyeynayo shircigan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here