Odayaasha Beelaha Hawiye oo codsadey inaan Xaqdaro lagu taageerin Hogaanka Dalka

0

Kulan ay isugu yimadeen Odayasha Dhaqank Beelaha Hawiye ayaa ka qabsoomay Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi looga hadlay Xaalada uu haatan Dalku marayo gaar ahaan dhinacyada Siyaasdda, Dhaqaalaha, Maqaamka Magaalada Muqdisho, Doorshooyinka la qorsheeyey, Musuqmasuqa baahey, arimaha Amniga iyo kuwo kale. Kulanka oo markii hore loo qorsheeyey inuu ka dhaco Hoteelka Maka Al-Mukarama ayaa waxaa is hortaag ku sameeyey Ciidamda Nabad sugida Dowlada Soomaaliya, waxaana kulanku si dhuumasho ah uu uga dhacay agagaarka KM7. Ugu horayn waxaa goobta ka hadlay Nabdoon Abuukar Shiikh Cusmaaan (Abuukar Ganey) waxaa uuna yiri. “inagoo ka kooban Waxagarad, Nabdoonno, Siyaasiyiin, Salaadiin, Haween iyo Dhalinyaro Beesha Hawiye ah ayaan go’ansanay inaan ka hadalno masiirkeena gaar ahaan Maqaamka Magaalada Muqdisho, nasiib daro taasu ma dhicin waxaana nakala eryey Ciidanka nabadsugida, sida aad arkaysaana waxan kulankeena ku qabnaynaa meeshaan laga qaxay waxaan tas na bady Ciidanka Dowladda oo ah wiilasheenii, mana ahan mid la isaga harayo” Waxaa kaloo goobta ka hadlay Ugaas Muxidiin Xasan Axmed waxa uuna yiri. “waxaa ayaan daro ah in maanta naloo diido inaaan ka hadalno maqaamka magaalada Muqdisho taasoo aynaan cidna marti ugu ahayn waxaaana noo diidey Ciidamada nabad Sugidda oo amar ka haysta Madaxtooyda Qaranka, taasu ma ahan mid loo dul qaadan karo waxaan codsanayna in arintaas raali gelin laga baxiyo”. Waxaa kloo Munasabada ka hadlay nabadoon Jimcaale Maxamed Nuur wax uuna yiri. “waxaan u sheegayna Madaxwayne Xasan Shiikh in aan sidaan madax lagu ii haneyn, caburin waa ka daalney mana aqbalayno waxay tani calaamad u tahay in uu dhamaaday xilkii aad u haysey ummadda Soomaaliyeed maadaama aad ka hor timid dadkii madaxda ka dhigay”. Nabadoon Axmed Cali Cabdiraxmaan ayaa isna madasha ka hadlay waxaa uuna yiri. “Dowladdii Kacaanka ayaan caburin ka diidney hadana ma aqbali karno waxaad ogtihiin halkii uu ku dambeeyey, yaan nalku qasbin inaan dhibaato gaysano, Muqdisho cidna marti uguma nihin, Maqamkeedn inaga ka tashanynaa” Intaas ka dib waxaa baaq loogu diray ka kooban Dhowr qodob Dowladda Federalka, shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka waxaan Saxaafadda u akhriyey Cabdulahi Xasan Abuukar (Cabdulaahi Dheere). 1- Ku Dowladu waa in ay ka Waantoowdo ku takri falka awood oo ay ku caan baxdey 2- In ay joojiso marin habaabinta Geedi socodka Doorashooyinka 3- In ay joojiso Farghelinta ay ku hayso Xulshada Ergooyinka qabaailka una madaxbaneyso in ay si Xor ah isu Doortaan. 4- In ay ka waantoowdo u adeegsiga Hantida Qaranka Dan Siyaasadeed 5- Shacabka Soomaaliyeed waa in uu u istaagaan Difaacida Qaranimada , Madaxbaanida iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed . 6- Ummaddda Soomaaliyeed waxaan ku boorineynaa in ay meel uga soo wada jeestaan Badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed . 7- Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa in ay Dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Soomaalida dhegeystaana Codka Shacabka . 8- Waxaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka in aysan Xaqdaro ku taageerin Hogaanka Dalka Waxaan ugu baaqayaa Beesha Caalamka in ay ka hor-istaagaan Madaxda Dowladda ku takri falka Awoodeed iyo fara gelinta qaawan ee Doorashooyinka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here