Odayaasha Hiiraan oo ogolaaday iney Jowhar tagaan balanqaadyona ka helay M/weynaha

0

Odayaasha Gobolka Hiiraan ee ogolaaday iney ku laabtaan ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku qanciyay Beelahooda iny Xilal Siyaasadeed laga siinayo Dowladda dhexe iyo Gobolka Banaadir Nabaddoon Cismaan Dhicisow Dhuubow oo ka mid ahaa odayaashan ayaa sheegay in Madaxweynaha uu beeshooda ku qanciyay inay qaataan Xilal Siyaasadeed iyo mid Ciidan, iyagana ay taan bedelkeed ka ogolaadeen inay ku laabtaan Shirka Jowhar. Nabaddoon Cismaan ayaa sheegay in Labo Jeneraal Ciidan oo uu Mid fadhiga ku magacaabay Madaxweynaha, loona balan-qaaday Safiir, Qunsul iyo Guddoomiye ku-xgeenka Gobolka Banaadir ayna ku qanceen isla markaana ay Madaxweynaha kula heshiiyeen in ay ku laabtaan Shirka Jowhar. Waxaa uu sheegay in xilalkaasi Madaxweynaha uu Wareegto ku soo saarayo, waxaana uu ka gaabsaday waxa uu ka ogyahay Beelaha kale ee lagu qanciyay in ay ku biiraan Shirka Jowhar.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here