PROFESOORO XUMAAN TABLIIQAYA OO SOMALILAND KU SOO LUG GOÀY

0

Sikasta oo aad wax u barato, waxaa ka awood badan abuurta eebbe ee qofka iyo caqliga uu geliyo.

Professor Cali Khaliif Galayr iyo Axmed Ismaaciil Samatar waxay ka mid ahaayeen dhalinyaraddii ugu horeysay ee ummadda Soomaaliyeed ku tacabtay, si ay dalkooda iyo dadkooda u anfacaan, nasiibdarro ilaahay kama dhigin kuwii dalkooda, diintooda iyo dadkooda anfaca, xaqiiqdiina waxay ka mid yihiin tacab qasaarkii Soomaalida ku dhacay.

Aqoontoodii waxay noqotay mid dadka lagu dhibaateeyo, waxayna waqtigoodii ku dhameysteen inay tabliiqaan xumaanta iyo tafaraaruqa, kumanaan goobood oo ay ka hadleena weligood xumaan mooyee wax rajo ah umadda uma sheegin, waxaa caado u ah burburin maamulkii jira.

PROFESOORO SOMALILAND KU SOO LUG GOÀY

Qalaxtan dheer oo marba meel laga soo masaafuriyo, maanta waxay marayaan inay Somaliland ka bilaabaan tabliiqinta xumaanta iyo tafaraaruqa, iyagoo u ordaya in Dastuurka la furo oo Somaliland loo yeelo 5 Madaxweyne oo labo ka mid ahi ay iyaga yihiin.

Fekraddan madaxweyneyaasha badan maaha mid cusub, Cali Khaliif wuxuu la yimid shirkii Boorame, Maamulkii Khaatumo wuxuu u sameeyey 3 Madaxweyne iyo goobo badan oo uu ka soo jeediyey, balse Soomaalidu ka diiday.

Garashada Profesoorada waxaa ka maqan farqiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana cad inay gudcur gudayaan.

JIRITAAN, MIDNIMADDA, ADKAYNTA NABADGELYADA IYO ISUTANAASULKU WAA ASTAANTA SOMALILAND, shacabka Somalilandna waxaa ka aragti iyo garasho dheeryihiin Prof Cali Khaliif iyo Prof Axmed I Samatar, mana tabliiqi karaan, dhabtii wey ku soo lug goeen Somaliland, fekerkooduna wuxuu ka shaqayn karaa Soomaaliya oo siyaasiyiintooda iyo shacabkooduba diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan waxkasta oo wiiqaya Dawladnimadooda.

Prof Cali Khaliif iyo Axmed Ismaaciil Samatar inay gartaan inaan shacabka Somaliland tabliiq iyo talo uga baahnayn ee ay dadkooda ka mid noqdaan.

DAAWO DOOD AY BERBERA KU QABTEEN:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here