Puntland iyo Galmudug oo Cadaado heshiis ku gaarey

0

CADAADO– Kadib markii maalintii shaley madax ka tirsan maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka ka qayb galeen munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug ayaa waxaa habeenkii xalay kulamo gaar ah yeeshey madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug kuwasoo ku gaarey hehsiisyo hordhac ah. Kulanka xalay oo ay goob yjoog ahaayeen Madaxweynaha Jubaland iyo wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Juxa ayaa wararka Garowe Online heleyso sheegayaan in uu ahaa mid rajo  fiican ka muuqatey in xal laga gaaro colaadaha ka jira gobolka Mudug. Kulan warsaxafadeed kooban oo maanta lagu qaybtey inta madaxda labada maamul ku soo kala tagin magalaada Cadaado ayaa Madaxweynaha maamulka Galmudug sheegey in colaadii ka jirtey gobolka Mudug dhamaatey islamarkana hadda wixii ka dambeeya aan la oran doonin Puntland iyo Galmudug baa dagaal ka dhexeeya balse noqon doonto dhib dambe oo dhaca mid ku kooban qofka sameeya ama beesha falkaas ku talaabsata. Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegey in sida ugu deg deg badan loo furi doono wadada isku xirta labada dhinac ee magalaada Galkacayo. Wadada isku xirta gobolada dhexe ee Somalia iyo Puntland ayaa xirneynd in muddo ah kadib markii dagaal labada dhinac horey u dhex marey labada maamul.
Heahiiyo noocaan ah aya jirey kuwasoo horey u dhexmarey Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug balse aysan waxba ka hirgalin. Lama saadaalin karo awooda Madaxweynaha cusub ee Galmudug ku leeyahay maleeshiyaadka kala duwan ee hoos yimaada beelaha wada daga Koonfurta gobolka Mudug kuwasoo adag tahay in la xakameeyo. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland waxaa ka haysta dhibaatooyin ku saabsan in hehsiisyada la wada gaaro sidii la rabo loo hirgaliyo madaama gobolka Mudug uu kala kulmo siyaasado is-diidan kuwasoo danahooda mar-walba ka eega colaadaha ka jira gobolka. Goojacade.com Garowe-Soomaaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here