PUNTLAND OO AMAR KA SOO SAARTAY URUR DIIMEEDKA AL-SAADICUUNA BIL-XAQ

0

Puntland ayaa amaro kasoo saartay urur-diimeedka Al-saadicuuna Bil-xaq, kulan ka dhacay Garoowe waxaa la faray laamaha amniga in ay soo xiraan shakhsiyaadka iyo xarumaha taageeray ururkaasi.

Maamulka Gobolka Nugaal, maxkamadda ciidamada qalabka sida, taliska ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo taliyayaasha qaybaha ee gobolka nugaal ayaa kulankan ka hadlay.

Ciidamada waxa la faray talaabo deg deg ah oo laga qaado shakhsiyaadka kooxdan ka jooga Puntland, Puntland waxay kooxdan u bixisay “Al-saariquuna Bil-xaq”.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa sheegay in Gobolka Nugaal laga mamnuucay urur diimeedka Tacfiir iyo kan hadda lamacbaxay Al-saariquuna Bil-xaq

Dhawaan ayey ahayd markii qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya lagu dhawaaqay urur-diimeedka la magacbaxay Al-saadicuuna Bil-xaq.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here