Puntland oo dowladda Federalka iyo Galmudug ku eedeysay dagaalka Gaalkacyo

0

Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Gaalkacyo inay iska kaashadeen Galmudug iyo dowladda federaalka. Warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay cadaynayso in maalmihii la soo dhaafay hub tiro badan ay ka degayeen garoomadda magaaladda Cadaado iyo Koonfurta Galkacayo, hubkaas oo ay leeyihiin Ciidmadda Federaalka Soomaaliya, kuwasoo ka kooban gaadiidka dagaalka iyo qoryaha darandooriga u dhaca sida lagu yiri qoraalka. HALKAAN KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA War murtiyeed: Dawladda Puntland waxay dhaleecaynaysaa weerarradii isdaba joogga ahaa ee maamulka Galmudug iyo dawladda Federaalka Soomaaliya oo is kaashanaya ay kusoo qaadayeen magaalada Gaalkacyo maalmihii udanbeeyey. Waxay ahayd 9-kii bisha October 2016-ka markii hoggaamiyaha maamulka Galmudug qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu caddeeyey in magaalada Gaalkacyo ay hoos imaan doonto maamulkiisa, kadibna 10-kii bisha October 2016-ka ay maleeshiyada maamulka Galmudug oo taageero ka heleya xooggaga ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya (SNA) ay weerarro kusoo qaadeen magaalada Gaalkacyo. Weeraradaas gardarrada ah ee ay kusoo qaadeen magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay u adeegsadeen hubka culus ee lidka diyaaradaha, qoryaha darandoorriga u dhaca iyo madaafiic kala duwan, isla mar ahaantaana ay ku garaacayeen woqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ku waxyeelleeyeen dad shacab ah kuna burburiyeen dhismeyaal. Dawladda Puntland waxa ay Weerarradaas isdaba joogga ah ee maamulka Galmudug iyo xulafadiisu ay kusoo qaadayaan magaalada Gaalkacyo u aragtaa arrin lagu khal-khal gelinayo nabadgelyada gobolka, isla markaana lagu carqaladaynayo geeddi socodka doorashooyinka dadban ee 2016-ka. Haddaba dawladda Puntland iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah isla markaana ilaalinaysa ammaanka gobolka iyo xuquuqda Shacabkeeda waxay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cid walba oo kusoo xadgudubta xuduudeheeda, sidoo kale dawladda Puntland waxay soo dhoweyneysaa wax walba oo loogu heli karo nabad iyo xasillooni siyaasadeed oo waarta. Dawladda Puntland waxay caddeynaysaa in maalmihii lasoo dhaafay ay hub iyo rasaas tiro badani ka degeyeen garoomada magaalada Cadaado iyo koonfurta Gaalkacyo, hubkaas oo sida ay dawladda Puntland ku hayso caddeymo ah hubka ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya (SNA) oo ka kooban gaadiidka dagaalka iyo qoryaha darandooriga u dhaca isla markaana loo adeegsanayo weerarada daandaansiga ah ee lagu soo qaadayo Puntland. Dawladda Puntland mar walba waxay u taagan tahay ilaalinta sharafta iyo hantida shacabkeeda sida uu qabo dastuurka dawladda Puntland, waxay sidoo kale u taagan tahay taabba-gelinta deggnaanshaha, nabad gelyada iyo amniga gobolka, balse haddii xaaladdu ay kusii socoto qalalaasaha siyaasadeed iyo nabadgelya xumada ka jirta gobolka, waxaa masuuliyaddeeda iska leh oo qaadi doonta dawladda Federaalka Soomaaliyeed. DHAMMAAD]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here