Puntland oo Go'aamo ka soo saartay Colaada Degaanka Qoriley

0

Dawladda Puntland ayaa go’aamo ka soo saartay Colaadda ka taagan Hawdka u dhaxeeya gobalada Sool iyo Nugaal ee Puntland, halkaas oo ay ku dagaalameen Maleeshiyo Beeleedyo halkaas wada daga, isla markaasna sababtay dhimashada in ka badan 17 qof oo dhinacyada ah. Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Eng, Cabdihakiim Xaaji Cumar Camay oo hogaaminaya wafdi balaaran oo ka socda dawladda Dhexe ayaa tagey degmada Burtinle, si xal kama dambeys ah loogu helo Colaaddan, waxaana goor dhaw la soo saaray qodobo la xariira sidii loo joojin lahaa Colaaddan hada taagan, loona kala qaadi lahaa ciidamada labada dhinac. Go’aamada soo baxay ayaa u qornaa Sidan. 1:-In dhammaan dhinacyadu daacad ka ahaadan lagana wada qeyb qaato xal u helidda Colaaddan. 2:-In Dowladda Puntland ay isticmaasho awood kasta oo lagu joojinaayo loogana gaarayo xal waara dirirta soo noq noqotay ee u dhaxeysa dadka walaalaha ah, isla markaana Ciidamo deg deg ah la kala dhex dhigo dadka dirirtu u dhaxeyso. 3:- In dadka degan Deegaanka Buurtinle ay Nabad diyaar u yihiin kana shaqeynayaan. 4:- In Ciidamada ka socda Deegaanka Buurtinle ee ku sugan jiidda hore ee la isku hor fadhiyo dib looga soo celiyo meelihii deegaankoodu yahay. 5:- In Dowladda Puntland ay xiriir la sameyso Dowladda Itoobiya sidii Ciidan loo keeni lahaa deegaankaas maadaama uu yahay dhul hoostaga Dowladda Itoobiya. 6:- In Deeegaanka Burtinle laga sameeyo Guddi ka kooban 21 Xubnood. 7:- In la sameeyo Guddi isku dhaf ah una ambabaxa meelaha Ciidamadu isku hor fadhiyaan. 8:- In Waxgaradka Sool iyo Cayn lala kaashado Xalinta iyo xal u helidda Mushkiladaas. 9:- In Mushkiladani ay tahay mid caam ah isla markaana ay khasab tahay inay ka qeyb qaataan dhammaan qeybaha Bulshadu. Iyadoo wararku sheegayaan in Giddiga 21 Xubnood ee Burtinle laga qabtay ay Maanta shaqaynayeen.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here