Puntland oo ka baxday shirkii wadatashiga ee Hiigsiga 2016

0

Waxaa maalinkii labaad ka socda magaalada Muqdisho shirkii wadatashiga ee shalay furmay kaas oo ay ka qeyb-galayaan madaxda sare ee dowladda, madaxda Maamul-Goboleedyada iyo wakiillo ka socda beesha caalamka. Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali “Gaas” iyo wafdigiisa ay ka baxeen shirka. Ka bixitaanka wafdiga Puntland ee shirka ayaa wararku sheegayaan in ay ka danbeysay kadib markii shir guddoonka shirka ay sheegeen in arrimo uu doonayay Cabdiweli Gaas in looga hadlo shirka aysan ka mid ahayn ajendaha. Arrintan ayaa salka ku haysa maamulka Galmudug oo Puntland xurgufi ka dhaxeyso, iyadoona horay uu maamulka Puntland u sheegay un uusan aqoonsaneyn maamulka Galmudug iyo madaxweynihiisa. Xubno ka socda beesha caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii ay Puntland dib ugu celin lahaayeen shirka, inkastoo aan loo joojin sii socoshada shirka oo horay loo sii waday.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here