Qaar ka mid ah Isimaddii SSC ee Puntland shirarka Garoowe uga waday oo Muqdisho u dhoofay

0

HALKAN KA AKHRISO . Wuxuuna Khilaafkoodu sababay in ay xataa soo wada saari kari waayaan BAAQ ka dhan ah Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland oo ay dhwmaantood kasoo wada horjeedeen. Isimadda Safarkan ka baaqday ayaa kala ah Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Suldaan Siciid Cismaan Cali, iyo Ugaas Faarax Maxamuud. Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare ayaa kooxdan maanta safartay Muqdisho kaga sii horeeya. Isimaddan maanta Muqdisho u safray waxaa dabada ka riixaya HADHAAGII G11 oo shir ay hogaaminayaan oo Muqdisho ka dhaca aad u danaynaya. Waxaana Sahayda Safarkooda Dalka Imaaraadka Carabta uga soo diray Dr Cali Xaaji Cige oo ka mid ah HADHAAGA G11. Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa isagana la filayaa in uu Muqdisho uga soo safro Dalka Imaaraadka Carabta oo uu wakhtigan ku sugan yahay. Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa tan iyo intii Maamulka Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh wadahadalka la furay Somaliland si indho la’aan ah u taageerayey. Dadka reer Khaatumo ayaa Garaad Jaamac Garaad Cali ka eegayey in uu si dhow indhaha ugu hayo qaabka wadahadaladda Khaatumo iyo Somaliland u socdaan. Sidoo kale waxay u arkayeen in uu ahaa kii looga baahnaa in uu saxo habka wadahadaladdu u socdeen haddii wax ka khaldanaayeen. Garaad Jaamac ayaa Waraysi uu warbaahinta siiyey 5 cisho ka hor heshiiskii ay Khaatumo iyo Somaliland Hargeysa ku wada galeen si xoog leh ugu taageeray qaabka wadahadaladu u socdeen. Wuxuuse kasoo horjeestay maalmo kadib markii ay maamulka Khaatumo iyo Somaliland heshiis wadajir Hargeysa kasoo saareen. Diidmadda Garaad Jaamac ayaanay dad badan oo reer Khaatumo ahi munaasib u arag maadaama looga baahnaa in uu wakhti hore Saxo qaabka wadahadalku u socday, waxayna Diidmadan ku fasireen SHIRQOOL UU MAAMULKA KHAATUMO IYO CALI GALAYDH XABAASHA KU DULDHIGAY ISLA MARKAANA UU DIB UGA SOO BAXAY. Sidoo kale Beesha uu Garaadka u yahay Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa intooda badani aad uga cadhoodeen HABDHAQANKAN GARAADKA waxaana meesha ka baxday taageeraddii ay u hayeen walow uu weli doonayo in uu isticmaalo Darajadda GARAADKA GUUD oo taageerayaashiisu ugu yeedhi jireen. Wuxuu kaloo Garaadku wakhtigan haystaa Taageeradda HADHAAGII G11 oo ay aad isugu dhow yihiin. Prof. Galaydhna uu ka doortay. Ujeedka Muqdisho Shirkan loogu Abaabulayo ayaa la filayaa in Khilaaf badani hadheeyo maadaama inta badan dadka qalqaalinayaa ujeedooyin kala duwan ka leeyihiin. Isimadda SSC oo aad loogu dhaliilo in ay Masuul ka yihiin marxaladda aadka u xun ee Dadka iyo Degaamadda SSC haysata ayaa Tafaraaruqooda iyo sida ay iminka u wajahayaan xaaladdaha taagan laga filayaa in ay sii abuurto Burbur iyo Midnimo la’aan kale oo xalkeedu adkasn doono. KALA DOCO AYAAMAHA SOO SOCDA IYO ARIMAHA MUQDISHO. goojacade.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here