Qaar ka mid ah Wasiirada cusub oo maanta xilalka kala wareegaya Wasiiradii hore

0

April 01 (Goojacade.com)— Waxaa maanta bilaabanaya todobaadka xil wareejin ah ee Golaha Wasiirada cusub Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay xilalka kala wareegayaan Wasiiradii Xukuumaddii hore ee Cumar C/rashiid. Illaa Lix wasaaradood ayaa maanta la filayaa inay xilalka la wareegaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Wasaaradaha Maaliyada, Amniga, Arrimaha Gudaha iyo kuwa kale. Munaasabadaha xil wareejinta ayaa goor dhow ka dhici doona xarumaha, iyadoo Wasiirada cusub lagu wareejin doono, document-yo iyo waxyaabihii ay qabteen Wasiiradii hore. Kulankii Golaha Wasiirada ee khamiistii ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa arrimaha xil wareejinta Wasiirada cusub. Wasiirada cusub ayaa marka ay xafiiska la wareegaan waxaa u bilaabanaya howlahooda, iyadoo howlaha wasaaradaha ay ahaayeen kuwo hakad ku jiray bilihii la soo dhaafay ee uu dalka ku jiray kala guurka iyo olaha doorashada. Ilo wareedyada ayaa sheegaya in ka hor inta aysna Wasiirada cusub xilalka la wareegin ay buuxin doonaan warqado ay ku cadeynayaan hantidooda gaarka ah, in howshooda si daacad u gudanayaan. Ra’iisul Wasaaraha ama Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa midkood marqaati ka noqonaya howlaha xil wareejinta ee maanta bilaabaneysa, iyadoo ay socon doonto muddo todobaad ah. Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre oo todobaadkii la soo dhaafay heshay codka kalsoonida ayaa waxaa sugaya howlo fara badan oo u baahan waxqabad dhab ah, iyadoo ay ugu weyn tahay arrimaha ammaanka iyo wax ka qabashada xaaladaha abaareed ee dalka ka jira. Goojacade.com Muqdisho-Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here