Qarax 3 qof ku dhimatay oo muqdisho ka dhacay iyo Alshabaab oo sheegtay

0

Sida ay sheegeen dadka kunool Isgoyska Sayid ee wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa ayaa lagu dhuftay Gaari ay la haayeen Askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo yaallay Afaafta Hore ee Hotel Sayidka. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay goobta joogeen. Gaari ayaa waxaa waday nin isku soo xiray Walxaha Qarxa, waxaana wararka Qaar ay sheegayaan in ciidanka dowladda Soomaaliya ay hakiyeen Gaariga, uuna diiday in uu istaago ka dibna uu ku dhuftay Gaari ay lahaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo noociisa lagu sheegay Cabdi bile. Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa goobta gaaray, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyo sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Inta la xaqiijiyay 2 Askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale qofkii Isqarxiyay ayaa ku dhintay Qaraxa waxaana sidoo kale jira dhaawacyo. Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerareen Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Soomaaliya oo maraayay isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka uu fuliyay Naftiisa hure ka tirsan ciidanka Al-Shabaab.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here