Qarax 6 qof ku dhinteen oo ka dhacay Degamada Buurhakaba ee Gobolka Bay

0

Qaraxaan oo u muuqaday mid Horay loogu sii diyaariyay Maqaaxi ku taala bartamaha Degamada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa waxaa ku nafwaayey inta la xaqiijiyay 6 ruux oo iskugu Jira Dad rayid ah iyo Askar ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed. Goobta Qaraxo uu ka dhacay ayaa aheyd maqaaxi inta badan ay fariistaan Ciiidamada Amaanka ee Maamulka koonfur Galbeed ee Degmada Buurhakaba xiliyada ay ka nasanayaan Shaqooyinka. 6-da ruux ee qaraxaan ku dhintay ayaa kala ahaa 3 askari oo ka tirsan Ciidamada amaanka Degmada Buurhakabada iyo 3 ruux oo rayida ahaa oo ku jiray Gudaha Maqaaxida la weeraray sida Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ay u sheegeen idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho. Qarax kadib Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa halkaas ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayay kooxihii ka dambeeyay qaraxa, waxaana xusid mudan in isgaarsiinta degmada Hawada laga saaray markuu qaraxa dhacay kadib.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here