Qarax dhimasho geystay oo galabta ka dhacay bartamaha degmada Baardheere

0

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, sadex kalena wey ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay bartamaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Qaraxan oo aan faahfaahin laga helin waxyaabaha loo adeegsaday ayay wararku sheegayaan in lala beegsaday mooto Bajaaj degmada dhex socotay. Goob-joogayaal ayaa sheegay mootada ay si xunu burburtay markii uu qaraxu qabsaaday. Qofka geeriyooday iyo sadexda dhaawaca ah ayey wararku sheegayaan iney la socdeen mooto bajaajta la qarxiyey, waxayna dhamaantood ahaayeen dad shacab ah oo mootada soo saaray iyo darawalka waday. Ciidamada dowlada oo goobta gaaray ayaa halkaas ka sameeyey baaritaano kala duwan inkaastoo aan la sheegin cid ay qaraxaas u soo xireen, mana jiro war maamulka degmadaas uu ka soo saaray weerarkan oo dhinaca kale aysan jirin cid sheegatay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here