Qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay xaafada Baanaboolyo ee degmada Shibis

0

Qarax miino oo baabuur nooca Toyota Harrierta ah lagu xiray ayaa saaka ka dhacay degmada Shibis, gaar ahaan xaafada Maanabooliyo, iyadoo qaraxaas waxyeelo ka soo gaartay labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa darawalkii gaariga. Darawalka gaariga oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu dareemay in gaariga ay wax ku xiran yihiin kaddib markii uu ka shakiyay, isagoona intaa raaciyay in uu gaariga ka booday waxyar ka hor inta uusan qaruxu dhicin ayna soo gaareen dhaawacyo fudud. Mid ka mid ah ragga gaariga saarnaa oo ahaa laba ruux ayaa waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamada dowladda kuwaas oo baaritaan ugu dhaqaaqay sida ay wax u dheceen.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here