Qarax galaaftay nolosha 28 qof oo gilgilay caasimada Turkiga Ankara

0

Qarax weyn oo gilgilay caasimadda Turkiga ee Ankara ayaa waxa uu galaaftay ugu yaraan nolosha 28 qof 61 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta waddankaasi. Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu dhacay xilli basas ay leeyihiin milateriga ay ku istaageen samaafaraha ama nalka taraafikada meel u dhaw baarlamanka iyo xarunta dhexe ee milateriga dalkaasi. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo baajiyay safar uu ku tegi lahaa dibadda ayaa waxa uu wacad ku maray in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray fulayada qaada weerrarada noocan oo kale ah iyo cidda ka dambeysaba.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here