Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaaxida The Village ee Muqdisho (Sawiro)

0

Qarax aad u xoogan oo ismiidaamin ah ayaa abaarihii 9:50 daqiiqo lagu weeraray maqaaahida the village oo ku taala guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho. Qof la sheegay inuu waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay gudaha maqaayada oo ku taala dabaqa hoose ee guriga hooyooyinka, iyadoo daryanka qaraxan si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay khasaare nafeed oo illaa hadda la ogeyn tiradiisa saxda ah. Ciidamada nabad sugida dowlada ayaa goobta gaaray, gaadiidka gurmadka deg deg ah dhawaaqooda ayaaa la maqlayaa kuwasoo daad gureynaya dadka ku dhaawacmay weerarkan oo ah kii 3aad ee lagu qaado maqaahidaas. [gallery columns="4" td_gallery_title_input="Qarax Village" ids="4627,4628,4629,4630,4631,4632"] ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here