Qarax iyo Israsaasayn Beledxaawo ka dhacday oo 2 askari ku dhinteen

0

Ugu yaraan labo askeri ayaa ku dhimatay qarax iyo israsaaseyn ka dhacday degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Afar qof oo kale ayaa dhacdadaasi ku dhaawacantay, sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan magaalada. Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ciidanku ku sugnaayeen, waxana loo malaynayaa in ay ahayd miino dhulka lagu aasay. Rasaas ay fureen ciidammadu marka uu qaraxu dhacay kaddib ayaa lagu soo waramayaa in ay dhiamasho sababtay. Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa ka dhacay galabta degmada Baladxaawo, waxaana jira xiisad ka taagan halkaasi oo u dhaxeysa maleeshiyaad iska soo horjeeda.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here