Qarax khasaare dhaliyey oo ka dhacay Magaalada Marka

0

Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in halkaasi Qarax Xoogan lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya. Qaraxan oo bam gacmeed ahaa ayaa lagu weeraray Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku sugnaa Xaafada Via-Wajeer ee Degmada Marka oo qiyaas ahaan 109Km dhanka Koonfurta Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho. Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ku dhintay hal qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 6 kale oo labo ka mid ahi ay yihiin Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda. Ciidamada oo Qaraxa kadib howlgallo kala duwan ka bilaabeen Xaafadaha qaar, welina ma jirto cid loo qabtay qaraxan. Amniga Marka ayaa faraha ka sii baxayay muddooyinkii ugu dambeeyay iyadoona qeybo ka mid ah lagu weeraray Dowlada ciidamadeeda.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here