Qarax lagu hoobtay oo dekadda Muqdisho horteeda ka dhacay

0

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ugu yaraan 25 qof ku dilay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Wararka qaar waxay sheegayaan in dhimashada ay intaa ka badan tahay. Weerarka oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga buuxiyay ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay 48 qof sida uu BBC-da u sheegay madaxa gawaarida gurmadka degdeg ah ee Amiin Ambalaas, Dr Cabdiqadir Cabdiraxman Xaaji Adan. Qaraxa ka dib xabad ayaa laga maqlayay nawaaxiga dekadda magaalada Muqdisho. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi. https://youtu.be/6w4S4xq04i4]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here