Qarax Muqdisho ka dhacay iyo Xildhibaano ku dhintay

0

Labo ka tirsan xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku dhintay qaraxa iyo weerar lagu qaaday hotel Ambasador magaalada muqdisho. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Soomaaliyeed SONNA, xildhibaanada ayaa kala ah Cabdulaahi Jaamac Kabaweyne iyo xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure. Weerarka oo dhacay abaarihii 5tii iyo 40 daqiiqo waqtiga Afrikada bari, ayaa la sheegay in qarax kaddib ay rag hubeysan ay gudaha hotelka u galeen iyadoo weli uu halkaasi ka socdo dagaal. Toban ruux, ayaa la sheegay inay ku dhinteen iyadoo dhaawacuna ahaa 40 sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo shaqaalaha caafimaadka. Ururka Alshabab ayaa sheegtay weerarka. Barta Twitterka ee sirdoonka Soomaaliya NISA, ayaa la soo dhigay qoraal sheegaya in howlgalku dhamaaday oo ay nadiifin socoto.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here