Qarax wayn oo ka dhacay hotelka SYL ee bartamaha Muqdisho

0

Qarax wayn oo baabuur ayaa ka dhacay banaanka hotelka SYL ee bartamaha Muqdisho. Sida ay sheegeen ilo caafimaad oo kala duwan, ugu yaraan laba iyo toban qof ayaa ku dhintay in ka badan soddona way ku dhaawacmeen. Qof goobjooge ah ayaa sheegay inuu arkay dad badan oo dhaawacmay. Wuxuu sheegay in hotelka uu qasaare badan gaaray, ciidamada ammaankana ay goobta joogaan. Hotelka SYL oo ku yaala xarunta madaxtooyada agteeda, ayaa lagu qabtaa shirarka waaweyn, waxaana isticmaala dowladda. Ma aha markii u horaysay ee hotelka la weeraro. Warfaafinta gudaha ayaa sheegaysa in lagu qaban rabay hotelka shir looga hadlayo ammaanka. Dhowr wariye ayaa lagu soo waramayaa inay dhaawacmeen. Alshabaab ayaa sheegtay inay ka danbaysay weerarka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here